Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • INDEPENDENT: Maraykanka Maslaxad Uguma Jirto Howlgalka Uu Ka Wado Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

INDEPENDENT: Maraykanka Maslaxad Uguma Jirto Howlgalka Uu Ka Wado Soomaaliya.

July 17, 2019

Warbixin cusub oo uu baahiyay wargeyska Independent ee kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa looga hadlay dagaalka uu Maraykanku kaga jiro wadanka Soomaaliya, iyo sida uu Maraykanku uga been sheegay xaqiiqda rasmiga ah ee halkan ka jirta.

Qoraaga warbixinta wuxuu sheegayaa in Maraykanka inkabadan toban sano uu si toos ah ugu lug leeyahay dagaalka ka socda Soomaaliya, wax la rumeysan karana aaney ahayn in howlgallada ay ciidamadiisu fulinayaan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen labo qof oo keliya.

“ keliya labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmey duqeymaha xoogan ee uu Maraykanku ka wado Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Africa magaciisana loo soo gaabiyo AFRICOM, balse ma runbaa? Anigu waan ka shakisanahay” waxaa sidaas yiri qoraaga warbixinta lagu daabacay wargeyska The Independent.

Wuxuu intaa sii raaciyay “ Maraykanku wuxuu howlgalkiisa Soomaaliya wadaa inkabadan 10 sano, cadeymo dhawaan uu baahiyay website-ka The Intercept-na waxaa lagu ogaaday in ciidamada Maraykanku qaadeen howlgallo dhowr ah oo ay wax ku noqdeen dad badan oo shacab ah”.

Qoraaga warbixinta wuxuu sheegayaa in Maraykanku aanu marmarsiyo u heleynin duqeymaha dadka shacabka ah ay ku dhimanayaan ee uu ka geysanayo  Soomaaliya, mana jirto sababo lagu qanci karo oo caadi ka dhigaya faragelinta Maraykanka ee wadankan.

“Inkastoo marar badan su’aallo la iska waydiiyay tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay duqeymaha Maraykanka, hadana waxaa mudan in la is waydiiyo, ahdaafta ay hiigsaneyso xamalada ay dowladda Maraykanku ka wado wadanka Soomaaliya?” sidaas waxaa leh qoraaga maqaalka.

Warbixintu waxay dib u milicsaneysaa taariikhda faragelinnadii uu Maraykanku ku sameeyay wadanka Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka dambeeyay weerarkii 11 septembar, kolkaas oo Aqalka Cad uu fadhiyay Jorje W Push.

“Maraykanku wuxuu taageerayay dagaal oogayaashii ay shacabka Soomaalidu neceen ee ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo maxaakimtii Islaamigu xoog uga saareen caasimadda, markaas kadibna wuxuu gacan iyo gargaarba siiyay ciidamadii Itoobiya ee duulaanka ku qabsaday koonfurta Soomaaliya”.

Qoraaga warbixintan oo lagu magacaabo Ferrod Laber, kuna sugan magaalada Newyork ee Maraykanka, wuxuu sheegayaa inaaney waxba soo kordhin duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay, iskaba daaye iney wax soo kordhiyaan duqeymahaas, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoojisay weerarada, dagaalyahannadeeduna ay qaadeen weeraro aargudasho ah.

“ Weerarada Maraykanku geysanayo kama baxsana iney yihiin olole milliteri oo awood muujin ah, waxaa loo dabaal degaa tiro Jihaadiyiin ah oo duqeymahaas ku dhinta, iyadoo aan la dejin qorshayaal looga hortagi karo waxa ku dhiiragelinaya Al-Shabaab iney weeraro qaadaan, bil caksi, duqeymuhu waxayba ka qeyb qaateen iney kordhaan weerarada  ay soo qaadayso Xarakada Al-Shabaab” ayuu yiri Ferrod Labor oo ah qoraa ka faallooda arimaha milliteriga.

Warbixintu waxay meesha ka saareysaa suurtagalnimada in awood lagu maquuniyo, loogana guuleysto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadama ay ku xidideysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wuxuu qoraaga Warbixintu soo jeedinayaa talo ku socota dowladda Maraykanka, taas oo ah In si deg deg ah u joojiso faragelinta iyo howlgallada milliteri ee ay ka wado wadanka Soomaaliya.

“ Annagoo wax ku dhisaneyna asbaabaha aan soo sheegnay, waxaa Maraykanka waajib ku ah inuu soo afjaro oo uu joojiyo howlgalka uu ka wado Soomaaliya, maadama aanu ka heleynin wax faa’iido ah, maslaxad iyo danina aan ugu jirin” ayaa lagu soo khatimay maqaalka lagu daabacay wargeyska  Independent ee laga leeyahay dalka  Ingiriiska.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Wareysiga Zakariye Muxamed Oo Ka Mid Ah Raggii Fuliyay Weerarkii Kismaayo.
Next: Dhageyso: 30 Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Isku Dhiibay Wilaayada Islaamiga Sh/dhexe.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1446 Hijri.

June 23, 2025
Shil Sagaal Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Shil Sagaal Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025

Sawirro

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada