Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • INDEPENDENT: Maraykanka Maslaxad Uguma Jirto Howlgalka Uu Ka Wado Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

INDEPENDENT: Maraykanka Maslaxad Uguma Jirto Howlgalka Uu Ka Wado Soomaaliya.

July 17, 2019

Warbixin cusub oo uu baahiyay wargeyska Independent ee kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa looga hadlay dagaalka uu Maraykanku kaga jiro wadanka Soomaaliya, iyo sida uu Maraykanku uga been sheegay xaqiiqda rasmiga ah ee halkan ka jirta.

Qoraaga warbixinta wuxuu sheegayaa in Maraykanka inkabadan toban sano uu si toos ah ugu lug leeyahay dagaalka ka socda Soomaaliya, wax la rumeysan karana aaney ahayn in howlgallada ay ciidamadiisu fulinayaan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen labo qof oo keliya.

“ keliya labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmey duqeymaha xoogan ee uu Maraykanku ka wado Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Africa magaciisana loo soo gaabiyo AFRICOM, balse ma runbaa? Anigu waan ka shakisanahay” waxaa sidaas yiri qoraaga warbixinta lagu daabacay wargeyska The Independent.

Wuxuu intaa sii raaciyay “ Maraykanku wuxuu howlgalkiisa Soomaaliya wadaa inkabadan 10 sano, cadeymo dhawaan uu baahiyay website-ka The Intercept-na waxaa lagu ogaaday in ciidamada Maraykanku qaadeen howlgallo dhowr ah oo ay wax ku noqdeen dad badan oo shacab ah”.

Qoraaga warbixinta wuxuu sheegayaa in Maraykanku aanu marmarsiyo u heleynin duqeymaha dadka shacabka ah ay ku dhimanayaan ee uu ka geysanayo  Soomaaliya, mana jirto sababo lagu qanci karo oo caadi ka dhigaya faragelinta Maraykanka ee wadankan.

“Inkastoo marar badan su’aallo la iska waydiiyay tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay duqeymaha Maraykanka, hadana waxaa mudan in la is waydiiyo, ahdaafta ay hiigsaneyso xamalada ay dowladda Maraykanku ka wado wadanka Soomaaliya?” sidaas waxaa leh qoraaga maqaalka.

Warbixintu waxay dib u milicsaneysaa taariikhda faragelinnadii uu Maraykanku ku sameeyay wadanka Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka dambeeyay weerarkii 11 septembar, kolkaas oo Aqalka Cad uu fadhiyay Jorje W Push.

“Maraykanku wuxuu taageerayay dagaal oogayaashii ay shacabka Soomaalidu neceen ee ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo maxaakimtii Islaamigu xoog uga saareen caasimadda, markaas kadibna wuxuu gacan iyo gargaarba siiyay ciidamadii Itoobiya ee duulaanka ku qabsaday koonfurta Soomaaliya”.

Qoraaga warbixintan oo lagu magacaabo Ferrod Laber, kuna sugan magaalada Newyork ee Maraykanka, wuxuu sheegayaa inaaney waxba soo kordhin duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay, iskaba daaye iney wax soo kordhiyaan duqeymahaas, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoojisay weerarada, dagaalyahannadeeduna ay qaadeen weeraro aargudasho ah.

“ Weerarada Maraykanku geysanayo kama baxsana iney yihiin olole milliteri oo awood muujin ah, waxaa loo dabaal degaa tiro Jihaadiyiin ah oo duqeymahaas ku dhinta, iyadoo aan la dejin qorshayaal looga hortagi karo waxa ku dhiiragelinaya Al-Shabaab iney weeraro qaadaan, bil caksi, duqeymuhu waxayba ka qeyb qaateen iney kordhaan weerarada  ay soo qaadayso Xarakada Al-Shabaab” ayuu yiri Ferrod Labor oo ah qoraa ka faallooda arimaha milliteriga.

Warbixintu waxay meesha ka saareysaa suurtagalnimada in awood lagu maquuniyo, loogana guuleysto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadama ay ku xidideysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wuxuu qoraaga Warbixintu soo jeedinayaa talo ku socota dowladda Maraykanka, taas oo ah In si deg deg ah u joojiso faragelinta iyo howlgallada milliteri ee ay ka wado wadanka Soomaaliya.

“ Annagoo wax ku dhisaneyna asbaabaha aan soo sheegnay, waxaa Maraykanka waajib ku ah inuu soo afjaro oo uu joojiyo howlgalka uu ka wado Soomaaliya, maadama aanu ka heleynin wax faa’iido ah, maslaxad iyo danina aan ugu jirin” ayaa lagu soo khatimay maqaalka lagu daabacay wargeyska  Independent ee laga leeyahay dalka  Ingiriiska.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Wareysiga Zakariye Muxamed Oo Ka Mid Ah Raggii Fuliyay Weerarkii Kismaayo.
Next: Dhageyso: 30 Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Isku Dhiibay Wilaayada Islaamiga Sh/dhexe.

Related Stories

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026
Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  • Allposts
  • Warar

Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada