Wararka ka imaanaya degmada Garabahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah uu lakulmay saldhigga ciidamada Xabashida ay ku leeyihiin duleedka degmada.
Dad ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay in maanta gelinkii dambe ay maqleen jugta madaafiic dhowr ah oo ku hoobanaysay gudaha saldhigga ciidamada Itoobiya.
Madaafiicda oo ku dhacay Gudaha Saldhiga Ay Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ka sameysteen duleedka Garbahaarey ayaa sababay khasaara kala duwan oo Xabashida Itoobiya kasoo gaartay duqeyntaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala Wilaayada Gedo ayaa sii kordhiyay Weerarada ka dhanka ah Ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Wilaayadaasi.