Wararka ka imaanaya Wilaayada Gedo waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan waxaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Deegaanka Yurkut iyo degmada Luuq ee Wilaayada Gedo.
Qaraxan ayaa haleelay Askar Itoobiyaan ah oo lugeynayay kuwaasi oo cabsi awgeed gaadiidka uga degay waxaana qaraxan uu sababay Dhimashada iyo Dhaawaca inka badan Toban ka tirsan Askarta Xabashida Itoobiya.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa ka yimid Deegaanka Yurkut oo ay kal hore Sahay geeyeen waxeyna kusoo jeedeen dhanka Degmada Luuq oo ay markii hore ka baxeen.
Calamada.com