Wargoordhow ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada howlgal qorsheysan oo galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare xoogan.
Afhayeenka ciidanka, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacada Andalus u sheegay in Mujaahidiintu ay howlgal si heersare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku dileen cadow fara badan.
Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya, ninka lagu magacaabo James Swan, kaasoo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan cadowga.
Eygeyga QM ayaa si dirqi ah kaga bad-baaday weerarka, waxaana la sheegay inuu goobta ka tagay daqiiqado un ka hor inta uusan howlgalku dhicin.
Ilo wareedyo ay heshay Calamada ayaa tilmaamaya in dadka dhintay badankood ay ahaayeen madaxda iyo saraakiisha maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb galayey kulanka halkaas ka socday.
M.a aad ban uga faraxsanahy dhageysiga idaacada al andalus