Afhayeenka Taliska Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu ku faafahiyay weerarkii weynaa ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Sheekha ayaa sheegay in hadafka weerarkaas uu ahaa mid lagu beegsanayay James Swam oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse uu ka badbaaday, ayna ku dhinteen xubno kale oo katirsan maamulka gobolka Banaadir.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha wuxuu sheegay Sheekh Abuu Muscab in dhimashadu mareyso tobaneeyo, ayna jiraan dad kale oo ku dhaawacmey.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku hanjabay iney meel weliba kaga daba geli doonaan dadka hadafka u ah howlgalladooda oo ay kamid yihiin madaxda Shisheeyaha iyo kuwa dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay raggii soo qorsheeyey weerarkan markale banaanka soo dhigay habacsanaanta sirdoonka ee Shisheeyaha iyo dowladda.
Halkan ka dhagayso Shir Jaraa’id oo uu qabtay Sheekh Abuu Muscab.