Qarax culus ayaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Askarta Shisheeyaha Afrikanta kaasi oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxan oo sigaar ah kaga dhacay duleedka Degmada Qoryooley waxaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta oo sahay u waday Shisheeyaha ku go’doonsan Degmada Qoryooley.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay askarta Kufaarta taagnaayeen oo ay ku nasanayeen, Waxaa qaraxaasi lagu dilay Ugu yaraan Toban askari oo ka tirsan Kufaarta Afrikanta.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qeybta Cabdalle Shideeyaha ku dileen Murtad Aweys oo ahaa Xubin ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda Dowladda Ridada Federaalka.
Calamada.com