Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kamid aheyd magaalooyinkii sida weyn looga ciiday waxaana ka dhacay munaasabado ay dadku ugu dabaal degayeen maalmaha barakeysan ee Ciidul Adxaa.
Boqolaal kamid ah dadka Xarardheere ku dhaqan ayaa isugusoo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada iyadoona goob fagaare ah lagu tukaday salaadda.
Maamulka islaamiga Mudug ayaa kaalin weyn ka qaadanayay dabaal degga ciidda isagoo hirgeliyay mashruuc xoolo Udxiya ah lagusiinayo dadka fuqarada ah.