Fowdo dhanka siyaasadda ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Siyaasiyiin dabadhilifyo ah ayaa doorashooyin iskasoo horjeeda ku qabsaday xaafado katirsan magaalada xilli uu cirka iskusii shareerayo khilaafka udhaxeeya maamulka Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Kulan maanta ka dhacay Kismaayo ayay xildhibaannada taageersan Axmed Madoobe ku doorteen guddoomiye baarlamaan halka siyaasiyiinta mucaaradsan ay horay u sheegeen in ay soo xuleen xildhibaanno baarlamaan islamarkaana ay dhowaan dooran doonaan madaxweyne iyo guddoomiye baarlamaan.
Nin lagu magacaabo Cabdi Maxamed C/raxmaan oo horay usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka ‘Jubbaland’ ayaa markale loo doortay in uu noqdo guddoomiye baarlamaan.
Goobtii ay doorashadu ka dhacaysay waxaa ku sugnaa kumanaan katirsan ciidamada gummeysiga Kenya iyo kuwa Itoobiya taas oo dad badan ay ufasirteen in dowladaha shisheeye ay lasafteen garabka Axmed Madoobe, dhinaca kale musharixiinta utaagan xilka madaxweynaha maamulka ‘Jubbaland’ ayaa sheegay in ay qaadaceen doorasgadii maanta.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Farmaajo ayaa lagu sheegay in dhowaan laqaban doono shir dib uheshisiineed oo u dhaxeeya dhinacyada isku hayo xilka hoggaanka maamulka dabadhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.
Isku dayo ay wadeen dowladaha Itoobiya,Kenya iyo Mareykanka oo lagu doonayay in Axmed Madoobe looga dhaadhiciyo in uu utanaasulo siyaasiyiinta taageersan DF-ka ayaa guul darraystay waxaana marwalba lafilan karaa iska hor’imaadyo hubeysan oo ka dilaaca xarunta Jubbada Hoose.