Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada Dhexe waxey sheegayaan in gudaha Magaaladaasi uu ka dhacay Di qorsheysan.
Dilkan ayaa loo geystay Sarkaal Hal Xidigle ah oo ka tirsan Maamulka Gaala Raaca isku magacaabay Hir-shabeelle, Waxeyna Ragga Dilkan geystay Ganiimeysteen Qori uu ku hubeysnaay Sarkaalkaasi.
Meydka Sarkaalka ayaa in Muddo ah yaalay goobtii lagu dilay waxaa ugu dambeyntii Meydkiisa halkaasi ka qaaday Maleeshiyaatka Murtadiinta.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Sarkaalkaasi, Waxa uu dilkan sarkaalkan kusoo aadayaa Xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Saraakiisha iyo Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka Hirshabeelle.
Calamada.com