Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka aroortii hore weerar cag marin ah ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal deegaan kaabiga ku haya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay HirShabelle.
Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerarka oo ka dhacay deegaanka Keli Waraaboow oo qiyaastii Afar KM dhanka galbeed uga beegan lagu dilay 6 katirsan ciidamada dowladda.
Dad ku sugan magaalada Jowhar ayaa warbaahinta ugu sheegay in saaka aroortii ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo dagaalka laysku dhaafsanayay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada lagu weeraray saldhigga Keli Waraaboow oo tiradoodu gaaraysay 30 askari uu gaaray khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada Al Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la wareegay gacan ku heynta saldhigga waxayna ka qaateen saanado melleteri iyo agabyo kale sida ay wararku sheegayaan.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyaddan weerarkan cag marinta ah ee saaka ka dhacay Sh.dhexe, maalin ka hor ayay aheyd markii weerar sarkaal lagu dilay uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar.