Weerar loo adeegsaday Camaliyad Istish haadiyo ah ayaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah Waqooyga dalka Afghanistan.
Camaliyaddan Istish haadiyada ah waxey sigaar ah kaga dhacday Gudaha Degmada Bagram ee Wilaayada Barwaan ee Waqooyga Dalka Afghanistan, Waxaa Degmada ku yaala Saldhiga ugu weyn Ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen gudaha Dalka Afghanistan.
Camaliyaddan istish haadiyada ah waxaa fuliyay Mujaahid ka tirsan katiibada Istish haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan Mujaahidkaas oo lagu magacaabo Al-istish-haadi Muxamed Xasan Al-barwaani kaasi oo Gaari uu ka xeynayay bartamaha kala galay Kolanyada Saliibiyiinta Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu xaqiijiyay in Camaliyaddaasi ay u dhacday Qaabkii loo qorsheeyay laguna dilay Tobado Askari American ah laguna dhaawacay Afar kale oo Isla Mareykanka ah, Iyadoona Camaliyaddan lagu burburiyay Labo gaari oo Noocyada Gaashaaman ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa Gaadiidka ay wateen Kolanyadaasi la beegsaday.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah ayaa kusoo aadaya xilli Maalmo ka hor weerar ka dhacay Deegaan ka tirsan Wilaayada Faryab ee Galbeedka Dalka Afghanistan Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay ku dileen Afar Askari oo American ah.
Calamada.com