Sheekh Mohamed Abuu Cabdalla oo ah mas’uulka Al Shabaab ee Jubbooyinka ayaa markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkooda rasmiga ah ee ku aaddan sedaxda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo.
Isagoo Wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Andalus ayuu sheegay in ay dagaal lageli doonaan dhammaan kuwa sheegtay in ay madaxweynayaal ka yihiin maamulka isku magacaabay Jubbaland.
Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan illaa sedax Nin oo mid walba sheeganayo in uu yahay madaxweynaha maamulka ‘Jubballand’ waxaana kuwaas ugu tun wayn Axmed Madoobe oo dabadhilif u ah dowladda Kenya.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Jubbooyinka.