Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Xirtay Shirkad Isgaarsiineed.
  • Allposts
  • Warar

Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Xirtay Shirkad Isgaarsiineed.

August 27, 2019

Bayaan kasoo baxay Lajnada qaabilsan la socodka shirkadaha Isgaarsiinta ee Imaarada islaamiga ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in Imaaradu ay go’aan ku qaadatay in gebi ahaanba albaabada la isugu dhufto xarumaha mid kamid ah shirkadaha isgaariinta ee wadanka kadib markii ay qeyb ka noqotay dagaalka lagu hayo Muslimiinta iyo Mujaahidiinta.

Imaarada Islaamiga ayaa shaaca ka qaadday in ay go’aansatay in albaabada la isugu dhufto shirkadda lagu magacaabo Salaam kadib markii ay ka dhaga adeygtay in ay u hogaansanto awaamirta Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Shirkaddan lagu magacaabo Salaam Telecom ayaa lagu eedayay in ay ku kacday tallaabooyin lid ku ah Jihaadka ka socda Afghanistan islamarkaana ay qeyb ka noqotay dagaalka Mareykanku Afghanistan ee ka dhanka ah muslimiinta.

“Maadama shirkadda isgaarsiinta Salaam ay ka dhegaha ka furaysatay awaamiirta guddiga qaabilsan la socodka shirkadaha ee Imaarada, marar badanna loo digay, waxaan iclaaminaynaa in taawarrada iyo anteenooyinka shirkadan iyo xarumaheeda ay yihiin bartilmaameedyo millteri oo ay beegsanayaan Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Taliban ayaa sheegtay in shirkaddan ay ku kacday howllo basaasnimo oo ka dhanka ah Imaarada Islaamiga Afghanistan islamarkaana ay kaalin mugleh ka qaadatay dagaalka uu Mareykanku ku hayo Mujaahidiinta sidaas darteedna loola mucaamili doono si la mid ah sida loola mucaamilo shirkadaha sirdoon ee cadowga.

“Waxaa gebi ahaanba la jaray internetka ay shirkadaas bixiso waxaana shaqaalaha qalabka iyo gawaarida shirkadaas ay Mujaahidiinta ula dhaqmi doonaan sida ay ula dhaqmaan dadka xiriirka la leh sirdoonnada cadowga” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Bayaankan ka soo baxay guddiga dabagalka iyo lasocodka arrimaha shirkadaha isgaarsiinta ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay sababaha keenay inay Mujaahidiintu albaabada isugu dhuftaan shirkadan, islamarkaana ay bartilmaameedsadaan xarumahooda iyo shaqaalahooda waxaana lagu yiri:

“Sababaha keenay in la xiro shirkadan, Mujaahidiintuna ay ku dhawaaqaan in ay beegsanayaan waxaa kamid ah,in Shirkaddu ay wada shaqeyn dhow la leedahay sirdoonnada Maraykanka iyo kan xukuumadda Kaabul iyadoo dhageysata codadka dadka isticmaalaya sidoo kalena xogta u gudbiso hay’adaha sirdoonka ee cadowga”.

Qodobka labaad ee ay Imaaradu u cuskatay go’aankan ayaa ah “In Shirkaddan ay ka dhaga adeygtay inay u hogaansanto amarrada ay Mujaahidiintu soo saarayaan ee ah in la damiyo isgaarsiinta xilliyada laga warhelo halis kusoo food leh dadka shacbka ah iyo Mujaahidiinta”
Imaarada Islaamiga ayaa sidoo kale dadweynaha uga digtay qaadashada SIM Cardka shirkadaasi maadama ay noqotay shirkad u adeegta cadowga Allaah Muslimiintuna uu ka soo gaari karo dhibaato ku aadan amnigooda.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadan iyo xitaa dowlada dabadhilifka ee Kaabuu ka jirta oo ku aaddan go’aankan kasoo yeeray Mujaahidiinta, waxaana khabarkan maanta si aad ah u hadal hayey warbaahinada gudaha ee Afghanistan iyagoo tilmaamayay in go’aankan uu saameyn xoogan ku yeelan doono dhaq dhaqaaqa shirkadan oo ah mid aad ugu baahsan guud ahaan gobolada dalka Afghanistan.

Dalka Afghanistan waxaa ka howlgala shirkado aad u fara badan oo isgaarsiin ah kuwaas oo adeegyadooda uu ku faafsan yahay guud ahaan gobolada dalka Afghanistan islamarkaana aanan ku lug lahayn dagaalka Afghanistan, sidoo kalena ilaaliya shuruudaha iyo go’aanada Imaarada Islaamiga ay kusoo rogtay shirkadahaasi laakiin shirkadan hadda la mamnuucay ayaa lagu eedeeyaa inay gacan saar la leedahay cadowga islamarkaana u adeegto danaha shisheeyaha.

Cadowga saliibiga ah iyo dabadhilifyadiisa ayaa badanaa isku daya in ay galaangal ku yeeshaan shirkadaha isgaarsiinta si ay xarumaha shirkadahaas u noqdaan goobo uu ka helo xogta iyo macluumaatka Mujaahidiinta ee ay jawaasiistoodu ku guuldarysten inay soo helaan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Buulo Burte.
Next: Askar Iyo Saraakiil Ku Dhaawacmay Shil Gaari Oo Kenya Ka Dhacay.

Related Stories

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026
Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  • Allposts
  • Warar

Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada