Maamulada wilaayaataka Islaamiga ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay si isdabajoog ah u qaabilayay Ergooyin towbadkeenayaal ah oo ka mid ahaa xubnihii soo xulay xildhibaanada golaha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka.
Ergooyinkan oo ka jawaabayay baaq towbadkeen ah oo muddo 45 cisho ah ay u dirtay Xarakada Al Shabaab dhammaan xubnaha soo xulay xildhibaanada ayaa muddooyinkan si xowli ah ugusoo qulqulayay Wilaayaatka Islaamiga ah si ay uga faa’ideystaan fursadda tawbadkeenka ah si ay u helaan amni dhan walba ah.
Sida ay o xaqiijiyeen Masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab waxaa illaa iyo hadda wilaayaatka islaamiga soo gaaray 635 xubnood oo ka mid ahaa ergooyinka soo xulay xildhibaanad kuwaas oo 159 ka mid ah lasoo bandhigay todobaadkii lasoo dhaafay ka dib markii xaflado ballaaran loogu qabtay degmooyinka Buq Aqable iyo Buula-Fulaay ee Wilaayaatka Hiiraan iyo Baay iyo Bakool.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale Idaacada Islaamiga ah ee Andalus u sheegay in tiro kabadan 263 xubnood oo kamid ahaa ergooyinkaas ay hadda ku suganyihiin wilaayaatka Islaamiga ah iyagoo tawbadkeenayaal ah.
Waxaa sidoo kale diiwaanka ku jira ugu yaraan 213 ruux oo kale kuwaas oo aanan illaa hadda soo gaarin deegaannada wilaayaatka Islaamiga balse loo qabtay ballantii ay ku imaan lahaayeen si ay tawbadooda ku iclaamsadaan.
Cadadkan ayaa tirada guud ee ergooyinka isasoo dhiibay 45tii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhigeysa 635 xubnood waxaana la filayaa in ay sii kordhaan maadama ay ergooyinku isaga kala imaanayaan dal iyo dibad islamarkaana ay doonayaan in ay ka faa’ideystaan fursaddan.
Mudadii loo qabtay Ergooyinka oo ahayd 45 cisho ayaa ku ekeyd shalay oo Axad aheyd , taariikhduna ku beegneed (01/1/1441 balse Xarakada Al-Shabaab ayaa go’aamisay in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro ergooyinka doonaya in ay ka faa’ideystaan baaqaasi waxaana ay arintaas timid ka dib codsiyo ka yimid qaar ka mid ah bulshada sida waxgaradka iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka.
Hoggaanka sare ee XSHM ayaa mar kale ugu baaqay xubnaha soo xulay xildhibaanada inay ka faa’ideystaan fursadan 10 ka cisho ah soona gaaraan deegaanada wilaayaatka Islaamiga si ay naftooda ugala badbaadaan ciqaabta aduun iyo cadaabta aakhiro labadaba.