Isbahaysiga dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ayaa duqeymo dad badani ay ku dhinteen ka geystay gobolka Damaar ee dhaca bartamaha wadanka Yemen.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in ugu yaraan 70 qof maxaabiis ah ay dhinteen kadib markii diyaaradaha isbahaysiga ay duqeymo cardaadiqaha uga dhigeen xabsi ay ku xirnaayeen maleeshiyaad katirsan xukuumadda Cabdi Rabih Haadi Mansuur.
Afhayeen u hadlay kooxaha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in goobta laduqeeyay ay aheyd xabsi ay ku hayeen maxaabiista ay ku qabtaan dagaallada dhinacyada kasoo horjeeda ee xukuumadda Yemen, wuxuu beeniyay sheegashooyinka ka imaanaya taxaalufka carabta ee ah in ay beegsadeen saldhig melleteri.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dhimashadu ay sii caga cagaynayso ill 100 halka dhaawacyadu ay kor udhaafeen 100 ruux, dad ka badbaaday duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in sawaariikh roobka looga dhigay islamarkaana uu gabi ahaanba burburay dhismaha ay diyaaraduhu duqeymaha ku beegsadeen.