Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen Degmada Buulo Burte oo ka mid ah Goobaha Wilaayada Hiiraan duulaanka kaga suganyihiin Ciidamada Murtadiinta Jabuuti.
Dagaalkan waxey Ciidamada Mujaahidiinta sigaar ah ugu qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen Dhanka Galbeed ee Degmada Buulo Burte, Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka Deegaanka waxey Warbaahinta u xaqiijiyeen in Dagaalka uu ahaa mid xoogan islamarkaana ay jirto khasaara soo gaartay Ciidamada Ridada Jabuuti.
Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed markii Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar ay ka fuliyeen duleedka Degmada Jalalaqsi ee isla Wilaayada Hiiraan ku dileen Shan askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Hirshabeelle kuna dhaawaceen Saddex Askari oo isla Maamulkaasi ah, Waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta Weerarkaasi kusoo Ganiimeysteen oo ay kusoo furteen Shan Qori.
Calamada.com