Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay si aad ah ugu xoogantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa gudaha degmada Shibis ku dilay laba sarkaal oo katirsanaa Nabad Sugidda dowladda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay toogteen labada sarkaal kadibna ay ka furteen bastoolado ay wateen.
“Ciidadamada Mujaahidiinta ayaa degmada Shibis ku khaarijiyay Labo kamid ah Saraakiisha Sirdoonka Kooxda Ridada Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaana Dhar Cadka Labo Bastooladoodna waa kasoo qaniimaysteen.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhiyay weerarada sida gaarka ah ay ugu beegsanayaan Saraakiisha Dowladda Federaalka.