Degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaa lagu xiray taliyihii amaanka garoonka diyaaradaha ee degamada, waxaana xiray ciidamo katirsan Itoobiyaanka jooga halkaas.
Taliyaha xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Siyaad Shaati, waxaana ciidamada Itoobiyaanku kala baxeen garoonka diyaaradaha, iyagoona magacaabay taliye cusub.
Dad ku sugan Luuq waxay sooo sheegayaan in garoonka sidoo kale laga saaray ciidamadii maamulka Jubbaland, islamarkaana ay si toos ah u maamulayaan ciidamada Xabashida Itoobiya.
Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaadeen ciidamada Itoobiya ee jooga Luuq, waxayna tani muujineysaa in Itoobiyaanku ay yihiin awooda rasmiga ah ee gacanta ku heysa talada goobaha ay ka joogaan Soomaaliya.