Qaraxyo culus oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Shisheeye ayaa ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho, Iyadoo qaraxyadan ay sababeen khasaara kala duwan oo shisheeyaha soo gaartay.
Labo qarax oo ka kala dhacay agagaarka Soos iyo isgoyska Ex-control Balcad ee degmada Hilwaa ayaa lagu burburiyay Labo gaari oo Booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada Kufaarta Afrikaanta, Dhawaaqa qaraxyadan ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale qaraxyadan ayaa sababay khasaara baqti iyo dhaawac ah oo soo gaartay askarta Kufaarta Afrikaanta, Waxeyna Muddo Saacada ah xirteen Wadada qaraxyadaasi lagula beegsaday.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho ayaa sii Labo laabay weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Calamada.com