War Saxaafadeed ka soo baxay Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan ‘mujaahidiinta’ ay subaxnimadii Isniinta ee saaka ay weerar xooggan ku qaadeen garoonka Balidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyagoona sheegay in ay halkaas ku dileen in ka badan 121 askari oo Amerikaan ah, tobanaan ciidamo Yahuud ah iyo qandaraasleyaal cadaan ah oo gaaraya ilaa 40 ruux kuwaas oo ku sugnaa saldhigga.
Bayaankan oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay howlgalkaas ku burburisay ugu yaraan 5 diyaaradood oo ay ku jiraan Drones iyo Helikoptaro.
“Ka dib markii ay jabiyeen xayndaabka saldhiggan aadka loo ilaaliyo, una dusiyeen gawaari miineysan oo ay ku burburiyeen dhismayaashii saldhigga, waxay Mujaahidiintu iqtixaameen xarunta iyagoo dagaal culus oo fool ka fool ah la galay saliibiyiinta Mareykanka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Saldhigga Balidoogle ayaa hooy u ah boqolaal ka mid ah ciidamada Mareykanka, shaqaalaha QM iyo qandaraaslayaasha u shaqeeya shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.
Xeradan ayaa sidoo kale ah taliska laga hago diyaaradaha drones-ka ee Mareykanka ee gummaada dadka Soomaaliyeed iyo garoonka ay adeegsadaan ciidamada gaarka Mareykanka ee fuliya weerarada habeen dheelmadka ah ee lagu beegsado Muslimiinta ku nool wilaayaatka Islaamiga.
War Saxaafadeedka ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab waxaa lagu yiri: “Weerarkan wuxuu jawaab celin u yahay duqeymaha wuxuushnimo ee ay ciidamada Mareykanku ku beegsadaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale fariin u yahay maamulka Trump iyo shacabka Mareykanka kuwaas oo uu u dirayo dhambaal ah in siyaasadooda arimaha dibadda ee cadowtooyada ku dhisan ee ka dhanka ah Muslimiinta ay ka dhalaneyso cawaaqib adag oo ay uguran doonaan sideey iyagu u beertaan”.
Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee ay maanta lagu qaaday kolonyadii midowga Yurub ee lagu qarxiyey agagaarka wasaarada gaashaandhiga, waxayna sheegtay inay weerarkaas ku dishay laba sarkaal oo sarsare.
Daafeed dabayl nooga timid waa ku diirsadaye
Daanyeeradii gaaladee dagay dhibaa gaaray
Farxad iyo dareen wacan miyaa lagu damaashsfay
Hayee kuwaa caro dibiray oo dibinta laalaadshay
Duceeyoo kafaradaba kuwaa kuwaa dooridoo raacsy