Iska hor imaakan oo ah mid u dhaxeeya Ciidamada Jabuuti iyo Maleeshiyaatka Maamulka isku magacaabay Hirshabeelle ayaa ka dhacay gudaha Degmada Jalalaqsi ee Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Somalia.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Murtadiinta Jabuuti dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga Maleeshiyaatka Maamulka Murtadiinta ugu magacaaban degmada Jalalaqsi kaasi oo ku yaala dhanka Bari ee degmadaasi.
Saldhiga waxaa ka dhacay iska hor imaad sababay khasaara kala duwan oo soo kala gaartay Murtadiinta Jabuuti iyo Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka Hirshabeelle, Waxeyna Ciidamada Murtadiinta Jabuuti si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Saldhiga iyo Xarunta Maamulka Ridada Jalalaqsi.
Sidoo kale Ciidamada Murtadiinta Jabuuti ayaa xabsiga dhigay Tiro Maleshiyaatka Murtadiinta ah, Waxa uu iska hor imaadkan daba socdaa Khilaaf xoogan oo Maalmihii u dambeeyay ka dhex taagnaay Taliska Ciidamada Murtadiinta Jabuuti ee degmada Jalalaqsi iyo hogaanka maamulka Ashahaado la dirirka Hirshabeelle ugu magacaaban degmadaasi.