Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ku dilay mas’uul sare oo katirsanaa maamulka dowladda Federaalka uqaabilsan deegaannada dhaca duleedka caasimadda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ragga hubeysan ay weerareen mas’uulka ayna dileen,wararka ayaa intaas ku daraya in ragga dilka gaystay ay horay usii qaateen gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaalka la weeraray.
Dilka sarkaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal toos ah ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen deegaanka Awdheegle ee Wilaayada Shabeelada Hoose.