Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxan oo ka dhacay dhanka Galbeed ee degmada waxaa lala beegsaday Askarta Murtadiinta Jabuuti ee duulaanka ku jooga Degmadaasi, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Jalalaqsi.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhinta Labo askari oo Jabuutiyaan ah waxaana ku dhaawacmay Labo kale oo isla Ciidamada Jabuuti ah.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jeer gudaha degmada Jalalaqsi ka fuliyay Weeraro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Saraakiil iyo askar Jabuutiyaan ah.
Calamada.com