Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka kaasi oo ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Jowhar iyo Deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 9km dhanka Konfureed kaga beegan Jowhar.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus la beegsadeen maleeshiyaadka Dowladda Ridada oo doonayay in ay weeraro ku qaadaan fariisamayaasha ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar.
Inta la xaqiijiyay Weerarkan waxaa lagu dilay Todobo ka tirsan Askarta Dowladda Federaalka kuwaasi oo uu ku jira Sarkaal ciidan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiileey, Sidoo kale tiro askar ah oo ka tirsan Kooxda Ridada Somalia ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi.
Halkan Ka Booqo Pag-ka Calamada Ee Telegram-ka.
Calamada.com