Wararka ka imaanaya Wilaayada Shabeelada Dhexe waxey sheegayaan in Maleeshiyaatka Dowladda Federaaka gabi ahaan isaga carareen deegaan Istiraatiiji ah oo ka tirsan Wilaayadaasi.
Deegaanka ay isaga baxeen Askarta Dowladda Ridada Federaalka ayaa ah deegaanka Ceel-geelow oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo ka wada tirsan Shabeelada Dhexe.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa go aansaday iney isaga cararaan Deegaanka kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan weeraro culus oo kaga yimaada dhanka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Askarta ka carartay Deegaanka ayaa aaday dhanka Magaalada Muqdisho balse markii ay marayeen duleedka Degmada Balcad ayaa lala beegsaday qarax culus kaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro askar ah oo ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta ee isaga carartay Deegaanka Ceel-geelow.
Calamada.com