Mid kamida jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Canada ayaa lagu dilay weerar toogasho ah xilli ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah Soomaalida kunool waqooyiga America.
Wararka ka imaanaya magaalada Toronto ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha magaaladaas ku toogteen wiil dhalinyaro Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Farxaan Jaamac.
Saraakiisha Booliska Canada ayaa sheegay in Meydka wiilka Soomaaliga ah ay kasoo qaadeen halkii lagu dilay ayna geeyeen xarunta Booliska si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo qaabkii loo dilay.
Ehellada Faarax Jaamac oo 28 sana jir ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkooda si bareer ah loo dilay balse aysan garanayn cidda dishay iyo sababta loo dilay, sanad walba tobaneeyo dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilaa magaalooyinka kala duwan ee dalka Canada.