Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • NEWYORK TIMES: Sarkaal Katirsan Ciidamada Gaarka Ah Ee Maraykanka Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

NEWYORK TIMES: Sarkaal Katirsan Ciidamada Gaarka Ah Ee Maraykanka Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Soomaaliya.

October 15, 2019

Warbixin dheer oo uu qoray wargeyska Newyork Times oo kamid ah wargeysyada uga afka dheer ee kasoo baxa Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaal katirsan ciidamada Maraykanka sida gaarka ah u tababaran ee ka howlgala wadanka Soomaaliya, kaas oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar kaga yimid dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Alex Konard oo kamid ahaa guutooyinka ciidamada Maraykanka ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya, ayuu wageysku xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar sanadkii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni.

“Konard oo 26 jir ah, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar 8-dii June 2018 ka dhacay deegaan yar oo u dhow magaalada Jamaame oo 200 Meyl koonfur galbeed kaga began magaalada caasimadda ah e Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times.

Alex oo jooga koonfurta Soomaaliya- waxaa sawirkan baahiyay qoyskiisa.

Wuxuu wargeysku intaa ku daray in Alex Konard uu dhaawac kasoo gaaray wejiga, qoorta, caloosha iyo garabka, kadib markii uu ku dhacay firirka baalooto hoobiye ah oo lagu soo tuuray, ayna la dhaawacmeen 3 askari oo Maraykan ah iyo mid kale oo Soomaali ahaa.

“Abaarihii mar ay saacaddu ku beegneyd 02:45 Duhurnimo, daqiiqado kadib markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay duqeeyeen saldhig ay ku sugnaayeen ciiidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jiray, baalooto hoobiye ah ayaa kusoo dhacday gudaha saldhiga, waxaana xigay is rasaaseyn culus oo deg deg ahayd, qaraxyadii ka dhashey hoobiyaha ayaana dhaawac gaarsiiyay Alex Konard iyo saddex kale oo Maraykan ah” ayuu yiri wargeysku xili uu tilmaamayay sida ay wax u dheceen.

Newyork Times waxay muujineysaa suurtagalnimada in askarigan uu u geeriyooday daryeel xumo caafimaad, maadaama waqti ay qaadatay in loo gurmado, lagana soo saaro goobta lagu weeraray.

Inkastoo ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ay helayaan taageero dhinac weliba ah, diyaaradaha hellecoptes ah ee qaabilsan caafimaadkana ay gaaraan goobtii looga baahdo, kuwa Dronestana ay mar weliba hawada ku jiraan, hadana waxay warbixintu sheegeysaa in dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u leeyihiin iney soo abaabulaan weeraro culus oo si kedis ah u dhaca, sida kii sababay geerida Alex Konard oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, kana howlgala Soomaaliya.

Warbixinta uu qoray wargeyska Newyork Times waxaa looga hadlay daqiiqadii xigay dhaawaca soo gaaray Alex, iyo sida loogu sameeyey adeegyada caafimaad, taas oo banaanka soo dhigeysa dhibaatada ay la noolyihiin ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

“Xilli ay ciidamada Maraykanku dhaawacyada daad gureynayeen, wuxuu Alex Konard ka sheeganayay xanuun uu ka dareemayo garabka bidix oo uu dhaawac kasoo gaaray, dhakhatarkii la socday guutada Maraykanka ayaa qalliin deg deg ah ku sameeyay Alex, si uu uga soo saaro Firirka qoorta kaga jiray, kaas oo ku dhawaa inuu gebi ahaanba gooyo qoorta, markas ayuuna ku xiray qalabka Oxygen-ta si hawo loo gaarsiiyo sambabada”.

Alex wuu neefsanayay, tan iyo marka la keenayay mandiqadda ay diyaaradu soo caga dhigatay oo ay xilligaas joogeen labo diyaaradood oo hellocopter ah, ayna la socdeen dhakhaatiirta gargarka deg dega qaablisan oo katirsan saldhiga ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meel 40 meyl u jirta magaalada Kismaayo, diyaaraduhuna waxay goobta soo gaareen 15 daqiiqo kadib markii loo yeeray” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wuxuu wargeysku intaa ku daray “markii ay saacaddu ku beegneyd 03:15 galabnimo, diyaaraddii siday Alex Konard waxay soo gaartay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen team caafimaad oo qalliinada qaabilsan, oo sugayay iney la tacaalaan dhaawacyada, laakiin Konard 15 daqiiqo kadib wuu geeriyooday”.

Siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Ameerikaanka ayaa sheegaya in dowladda Maraykanka ay qarisay geerida Alex Konard tan iyo 8-dii June 2018-ka, mar welibana waxaa bayaanaadka Africom si adag loogu beeniyaa iney askar Maraykan ah ku dhintaan howlgallada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo dhalineysa in su’aallo la iska waydiiyo inta ay la egyihiin ciidamada Maraykanka ee ku dhintay Soomaaliya, dowladda Maraykankuna qarineyso.

Sarkaalkan katirsan ciidamada Maraykanka ee hadda ay Newyork Times xaqiijisay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar ka dhacay Jubbooyinka, ayaa kasoo jeeda gobolka Arizona, wuxuuna ciidamada Maraykanka ku biiray sanadkii 2010-ka, isagoo soo qaatay casharo ku aadan la tacaamulka dadka deegaanka, si macluumaad iyo xogo looga helo Jamaacaadka Jihaadiga.

Ka hor inta aanu imaan Soomaaliya, wuxuu labo jeer howlgal milliteri u aaday wadanka Afqaanistaan oo ay ku suganyihiin kumanaan askar ioo Ameerikaan ah, markii dambena waxaa lagu wargeliyay inuu kamid yahay ciidamada gaarka ah ee ka howlgalaya wadankan Soomaaliya, oo laamiyadiisa billowgii sagaashameeyadii lagu jiid jiiday meydadka ciidamada Maraykanka.

Isagoo ku sugan Soomaaliya, wax kayar hal bil, ayaa Alex Konard waxaa dhaawac halis ah kasoo gaaray weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo huwan ah oo xilligaas soo degay deegaanka Baar Sanguuni.

Warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times waxaa lagu soo hadal qaaday weerarkii cuslaa ee 01-dii bishan Safar maalinnimo Isniin ah, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday saldhiga garoonka Ballidoogle, oo ah taliska ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu wargeysku xaqiijiyay in weerarkaas uu ka dhashey khasaare nafeed, balse dadka lagu dilay ay ahaayeen dad shacab ah, taas oo ah arin la yaab leh, wargeyskana looga fadhiyo inuu is qabadsiiyo talis Maraykan oo ay shacab deganyihiin!

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saaraty saacado kadib weerarkii Ballidoogle waxay ku xaqiijisay iney ku dishey 121 askari oo Maraykan ah, 12 askari oo Yahuud ah iyo 40 qandaraaslayaal ah, oo u shaqeynayay ciidamada Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in 500 oo askari oo katirsan ciidamadeeda ay ku suganyihiin Soomaaliya, balse siyaasiyiinta Maraykanka iyo dadka ka shaqeeya maraakizta Diraasaadka ayaa aaminsan in tirada ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ay intaa ka badanyihiin.

Tan iyo markii uu Maraykanku u aqoonsaday qeybo kamid ah Soomaaliya aag dagaal, waxaa jiray Askar Ameerikaan ah oo ku dhintay howlgallada habeen guureynta ah ee ay kusoo qaadayaan deegaannada wilaayaadka Islaamiga.

Maraykanka ayaa qirtay in sarkaal katirsan ciidamada Neavy Seal ee sida khaaska ah u tababaran, laguna magacaabo Kelley Milliken, lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ee katirsan gobolka Shabeellaha hoose, 7-dii May sanadkii 2017-ka.

Wuxuu Maraykanku sidoo kale qirtay in askari lagu magacaaboa Alexdar looga dilay weerar lagu soo qaaday saldhig ay Maraykanku ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 Meyl u jira magaalada Kismaayo, sidoo kalena laguna dhaawacay 4 askari oo Maraykan ah, kaas oo midkood hadda ay Newyork Times xaqiijineyso inuu dhintay.

Inkastoo uu Maraykanku intaas qirtay, hadana waxay dad badan oo Soomaali ah, aadna u yaqaana hab dhaqanka iyo dabeecadaha Maraykanka sheegayaan iney  ka badanyihiin inta ay qarsadeen, iyagoo ku maah maahaya “ Gaal Jabkiisa wuu qarsadaa”.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Farxaan Jaamac Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto.
Next: Qarax Lagu Dilay Askar Itoobiyaan Ah.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.

August 14, 2025
Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.

August 14, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.

August 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada