Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxayo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa sheegaya in halkaas laba qarax lagula beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay ku dhinteen illaa Afar askari Itoobiyaan ah kadib markii gaarigii ay la socdeen uu qarax aad u xooggan haleelay.
Qaraxa labaad oo ka dhacay deegaanka Mooda Moode ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Itoobiya, wariye ku sugan gobolka Baay ayaa soo sheegay in ciidamada Xabashida ee weerarada lakulmay ay ka amba baxeen degmada Buur ayna kusii jeedeen dhanka magaalada Baydhabo.