Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ayaa isku rasaaseeyay afaafka hore ee Hoteelka Naasa Hablood2 oo aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada.
Iska hor’imaadka waxaa ku dhintay sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda ee lagu tababaray saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Jeneraal Murtad Maxaadeey oo ahaa taliyihii hoggaaminayay guutada lagu magacaabo Gorgor ee Turkigu tababaray ayaa la xaqiijiyay in uu udhintay dhaawac kasoo gaaray israsaadeynta waxaana jira shaki ah in sarkaalkan si bareer ah ay ubeegsadeen saraakiil kale oo uu khilaaf kala dhaxeeyay.