Wararka ka imaanaya degmaa Dhoobleey ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dagaal kooban kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Dadka Deegaanka waxey xaqiijiyeen in goobta uu ka dhacay Dagaal xoogan oo muddo kooban socday kaasi oo dhexmaray Ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaatka Maamulka Murtad Axmed Madoobe.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka kadib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii maamulka ‘Jubbaland’, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay gudaha ugaleen saldhiggii ay faarujiyeen maleeshiyaadka Jubbalan waxayna halkaas ka qaateen saanado hub ah.
Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiinta ayaa baaritaano ku sameeyeen guryo ay deegaanka Bed-alamo ka deganaayeen saraakiil ciidan, lamasoo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay awoodeeda ku fidinaysay inta badan deegaannada kaabiga ku haya xuduud beenaadka Kenya waxaana muuqata in ay sii daciifayaan maleeshiyaadkii dabadhilifyada u ahaa Melleteriga Kenya ee duullaanka ku jooga Jubbada Hoose iyo Gedo.