Saraakiil Iyo Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo kala duwan oo lagula beegsaday gudaha iyo Duleedka Magaaladan Muqdisho.
Qaraxa hore waxa uu ka dhacay goob fariisin u ah maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka waxa uu qaraxa sigaar ah kaga dhacay Warshadda Caanaha Degmada Hodan ee Magaaladan Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Kooxda Ridada Somalia Tiro kale oo isla Murtadiinta ahna weey ku dhaawacmeen, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay Xaafadaha degmada Hodan.
Dhanka Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Lafoole ee duleedka Muqdisho waxaa qaraxa culus lala beegsaday gaari Runeed ah oo uu la socday Madaxa Maaliyadda Maamulka Kooxda Ridada ugu magacaaban Degmada Lafoole.
Sarkaalka La beegsaday oo dhaawac uu soo gaaray ayaa lagu magacaabaa Murtad Iimaan Muxamed Cadow waxaa Sarkaalkan la dhaawacmay askari ka tirsan Ilaaladiisa gaarka ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.