Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay waqooyiga Gaalkacyo ku dileen mas’uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen Max’med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada waddooyinka maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Gaalkacyo “Mujaahidiinta ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku khaarijiyay Max’med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenka Taraafikada maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ka dhacayay dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka dhan ah maamullada Puntland iyo Galmudug.