Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • R/Wasaaraha Itoobiya Oo Si Kulul Uga Hadlay Dibad Baxyada Isaga Ka Dhanka Ah.
  • Allposts
  • Warar

R/Wasaaraha Itoobiya Oo Si Kulul Uga Hadlay Dibad Baxyada Isaga Ka Dhanka Ah.

October 28, 2019

Abey Axmed, ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya oo markii ugu horeysay ka hadlay dibad baxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay wadanka, islamarkaana looga soo horjeeday maamulkiisa ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii soo abaabuley dibad baxyadaas.

Abey Axmed ayaa war uu soo saaray wuxuu sheegay in dibadbaxyadii Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa iyo guud ahaan gobolka Oromada ay dhaliyeen dhimashada 67 ruux.

“Qalalaasaha aan wajahney waxay noqon doonaan kuwa sii soo socda oo adkaada, haddii aaney Itoobiyaanku midoobin oo aaney noqon hal saf” ayuu ku yiri Abey Axmed war saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.

Wuxuu intaa ku daray in gacanta lagu soo dhigi doono, maxkamadna lasoo taagi doono dadkii soo abaabuley kacdoonnada dhaliyay khasaaraha tirada badan, taas oo uu dabcan kala jeedo Jawar Mohammed oo kamid ah mucaaradka ugu awooda badan.

“Waxaan ka shaqeyn doonnaa sidaan sharciga iyo cadalaadda ula tiigsan lahayn dadkii soo abaabulay dibadbaxyadaas” ayuu yiri Abey Axmed ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Banaanbaxyada todobaadkii hore ka dhacay wadanka Itoobiya ayaa yimid kadib markii Jawar Maxamed oo ah mucaarad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada uu baraha uu ku leeyahay Internetka kusoo qoray in Police-ku ay qorsheynayaan iney ku xadgudbaan.

Hadalkaas kadib ayaa waxaa laamiyada iyo wadooyinka waaweyn isugu soo baxay dad aad u careysan oo kamid ah taageeriyaashiisa, kuwaas oo wajahay weeraro uga yimid ciidamada Amaanka.

Sida uu sheegay taliyaha Police-ka gobolka Oromada ay degto oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa ayaa shaaca ka qaaday iney dhinteen 67 ruux, sidoo kalena ay dhaawacmeen inkabadan 200 oo ruux.

Dadka ugu badan waxaa si bareer ah u toogtay ciidamada Amaanka Itoobiya, balse wuxuu taliyaha Police-ka gobolka Oromada uu sheegay in dadka qaar ay ku dhinteen iska hor imaad dhexmaray taageeriyaasha Ra’iisul wasaaraha iyo Jawar Maxamed.

Banaanbaxyadan waaweyn ee gacan ka hadalka wata, islamarkaana ka dhaca wadanka Itoobiya ayaa markale banaanka soo dhigaya mucaaradada xoogan ee uu wajahaya ra’iisul wasaaraha wadankaas ninka lagu magacaabo Abey Axmed.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka Oo Maalintii Labaad Muqdisho Ka Dhacay.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Doon Ku Degtay Wabiga Shabeelle.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-03-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-03-1447-Hijri.

August 27, 2025
Ciidamada Kenya Oo Lagu Jabiyay Dagaallo Ka Dhacay Laamu.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Kenya Oo Lagu Jabiyay Dagaallo Ka Dhacay Laamu.

August 27, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-03-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-03-1447 Hijri.

August 27, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 29 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 29 aad)

August 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)

August 24, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada