Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Isbedlladii Uu Soo Maray Masjidka Babri Ee Loo Bedelay Macbad!
  • Allposts
  • Warar

Isbedlladii Uu Soo Maray Masjidka Babri Ee Loo Bedelay Macbad!

November 10, 2019

Kadib inkabadna rubcu qarni oo ay Muslimiinta Hindiya ku sugayeen qadiyadda masjidka Babri, waxay dhawaan maxkamadda sare ee Hindiya soo saartay go’aankeeda kama dabeyska ahaa ee ku aadan Masjidka, iyadoo si toos ah ugu wareejisay Hinduuska.

Inkastoo 27 sano laga joogo markii ay Hinduusku burburiyeen masjidka Babri, oo dhaliyay dagaallo dhexmaray Muslimiinta iyo Hinduuska, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2000 oo ruux oo badankood ahaa Muslimiin, hadana weli waxaa taagan carada Muslimiinta.

Marka laga hadlo Taariikhda Masjidka, waxaa la dhisay qarnigii 16-aad, waxaana gebi ahaanba dhulka lala simey sanadkii 1992-dii, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen kooxo Hinduus ah oo sheegayay in booska laga dhisay Masjidka uu ku dhashey Ilaah ay ugu yeereen Raam, oo kamid ah Asnaamta ay caabudaan.

Wuxuu ku yaalaa Masjidka magaalada Ayuudiya ee gobolka Awtar Badaradish, waxaana uu ku fadhiyay masaaxo ballaaran oo gaareysa illaa iyo 25 Hektar.

Masaadirta taariikheed ee kala duwan ayaa tilmaameysa in masjidka Babri uu dhisay hogaamiyihii muslimka ahaa ee lagu magacaabayay Dahiiru-diin Muxa’ed Baa’ir, kaas oo muda maamulayay dhulka Hindiya.

Hinduuska ayaa ku doodaya in markii hore dhulka laga dhisay Masjidka uu ahaa Macbad ay iyagu leeyihiin, islamarkaana laga dumiyay sanadkii 1528, maarkaas oo ay sheegeen in laga dhisay Masjid.

Iyagoo sheegashooyinkaas ka duulaya ayay waxay si joogta ah weeraro uga soo qaadayeen masjidka Baabri, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay iney burburiyaan.

22 Decembar 1949-kii ayaa waxaa masjidka Babri soo weeraray kooxo Hinduus ah, waxayna asnaam dhex dhigeen masjidka, waxaana markaas kadib Police-ku ay gebi ahaanba xireen Masjidka, iyagoo ku andacooday in la isku heysto.

3-dii Novembar 1984-tii, ra’iisul wasaarihii Hindiya Rajib Ghandi ayaa soo saaray amar u ogolaanaya Hinduuska iney barxadda masjidka Baabri ka billaabaan dhismaha macbad, sidoo kalena albaabada loo furo masjidka, si ay ugu cibaadeystaan Hinduuska.

6-dii Decembar 1992-dii, kooxo Hinduus ah oo helaya taageerada ciidamada Hindiya ayaa dhulka la simey masjidka Babri, waxaana markaas kadib dhacay dagaallo dhexmaray Muslimiinta difaacanaya Masjidkooda iyo Hinduuska soo xadgudbay.

Dagaalladaas oo sanado badan dhacayay waxaa ku dhintay ugu yaraan 2000 roo ruux, kuwaas oo badankood ahaa Muslimiinta.

Sanadkii 2010-ka, maxkamad ku taalla wadanka Hindiya ayaa soo saartay xukun qeexaya in masaaxada masjidka loo qeybiyo saddex qeybood, saddex meelood marka loo qeybiyana qeyb la siiyo Muslimiinta, halka labada qeybood oo kalena la siinayo Hinduuska.

Arinkaas waxaa si adag uga horyimid Muslimiinta, iyagoona sheegay iney tahay gardaro garab heshey, waxaana tan iyo markaas ay Muslimiintu codsanayaan in loo ogolaado iney dib u dhistaan Masjidka Babri.

Taas bedelkeeda Hinduuska ayaa iyagana ku doodaya in dhulka oo idil iyaga la siiyo, si ay uga dhistan macbad, waxaana xilligaas la dhisay lajnad loogu magacdaray Liberhaam, taas oo qabatay 4000 oo fadhi, oo ay ku eegeyso qadiyadda masjidka Baabri.

Xisbiga Bahartiya oo kamid ah axsaabta xagjirka ee Hinduuska matala, hadana talada wadanka gacanta ku haya ayaa kaalin weyn ka qaatay dumintii masjidka Babri, waxaana qadiyada masjidakn uu u adeegsaday mid uu ku helo codadka Hinduuska marka la joogo waqtiyada Doorashooyinka.

Wejiga sadexaad ee qadiyadda masjidka Baabri, wuxuu soo gebegeboobay maalintii sabtida oo ay taariikhdu ku beegneyd 09-11-2019, waxaana maxkamadda sare ee Hindiya go’aan ku gaartay in dhulka Masjidka Babri lagu wareejiyo Hinduuska oo ay ka dhistaan macbad.

Muslimiinta Hindiya ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamey mid ka dhan ah iyaga, waxayna sheegeen in wax kasta oo dhaca un maalin dib loo dhisi doono masjidka Baabri.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Mareykanka Oo Xayiraad Kusoo Rogay Mid Ka Mida Culimada Ugu Caansan Galbeedka Afrika.
Next: Dhibaneyaal Ka Badbaaday Duqeymaha Mareykanka Oo Ka Sheekeeyey Dhibaatadii Soo Gaartay.

Related Stories

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.
  • Allposts
  • Warar

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.

April 23, 2026
Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada