Mudooyinkii la soo dhaafay waxaa isa soo tarayey hadal heynta ku aadan khasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaaraya duqeymaha wuxuushnimo ee diyaaradaha Mareykanku ku beegsadaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Yuusuf Xasan waa dhibane uu dhabarkiisu ka muuqdo dhaawacyada ka soo gaaray duqeyn ay ku beegsadeen diyaaradaha drones-ka ee Mareykanka, wuxuu ka soo muuqday warbixin kooban oo uu baahiyey TV-ga AlJazeera, taas oo soo bandhigeysay dhinac ka mid ah gaboodfalada iyo gumaadka ay diyaaradaha Mareykanku ku hayaan dadka Muslimiinta ee ku nool koonfurta Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com