Weeraradan oo ah dagaallo toos ah waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhigyo maleeshiyaatka dowladda Federaalka ay ka kala sameysteen duleedyada degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Wilaayaatka Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose.
Howlgalka hore waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisin iyo isbaaro maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka dhigteen Tuulada Cadayga ee hoostagta degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Weerarkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen Labo askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka dowladda Ridada.
Dhanka Wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaal toos ah ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada ee deegaanka Bariire oo ah deegaan hoostaga degmada Afgooye.
Dagaalkan ayaa khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Dowladda Federaalka, Waxa uu dagaalkan kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax lagu gubay gaari Taw ah laguna dilay Siddeed askari oo Yugandheys ah uu ka dhacay deegaanka Muuri ee duleedka degmada Afgooye.
Calamada.com
Allah akbar