Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ayaa ku waramaya inuu geeriyooday mid kamid ah culimada diinta Islaamka, kaas oo ku xirnaa xabsiyada maamulkaas.
Sheekh Fahad Al-Qaadi oo kamid ahaa culimada ka hor yimid fisqiga iyo fasahaadka laga wado dhulka Xarameynka ayaa ku geeriyooday gudaha xabsi ku yaala magaalada Riyaad, halkaas oo sanadihii dambe uu ku xirnaa.
Lama sheegin sababaha keeney geerida sheekha, waxaana loo badinayaa inuu la kulmay tacdiib daran, islamarkaana loo diiday in la daweeyo.
Markii uu sheekhu geeriyooday ayaa waxaa salaadda Janaazada ku tukadya dadweyne oo aad u badan oo katirsan muslimiinta dhulka Xarameynka.
Xabsiyada maamulka Aala-Sucuud waxaa ku xiran kumanaan ruux oo maxaabiis muslimiin ah, waxaana ku jiro culimada diinta islaamka, dumar iyo rag kale.