
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in weerar qorsheysan uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa howlgal isugu jira Madaafiic iyo dagaal toos ah la beegsaday saldhiga maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland ay ka sameysteen deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso.
Weerarkan ayaa khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka gaala raacyada Puntland taasi oo isugu jirta Naf iyo Maal.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey weerarkan ku dileen Saddex askari waxeyna ku dhaawaceen Lix kale kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgalkan kusoo furteen oo ay kusoo Ganiimeysteen tiro hub ah.
Maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ayaa ka mid ah maamul gobaleedyada dowladda Xabashida Itoobiya ay ka dhisatay gudaha dalka Somalia.
Calamada.com