Wararka ka imaanaya deegaanka istiraatiijiga ah ee Gacan-maroodi ee gobalka Sanaag waxey sheegayaan in xaaladda deegaanka ay aad u wanaagsantahay kana duwan tahay xaaladihii subax walbo waaga ugu baryi jiray dadka deegaankaasi.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa maalintii Labaad ku sugan deegaanka, Iyadoo dadka deegaanka Maalintii Labaad lagu maamulayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Raayada Towxiidka ayaa si toos ah uga babaneyso Deegaanka Gacan Maroodi, Waxeyna dadka deegaanka si aad ah usoo dhaweeyeen la wareegidda Mujaahidiinta ee deegaankaasi.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa goob fagaara ah kala hadlay dadka deegaanka iyagoona u jeediyay Kalimaad muhiim ah.
Deegaanka Gacan Maroodi ayaa noqonaya deegaankii ugu horeeyay ee Mujaahidiinta la wareegeen marka laga hadlayo deegaanada dhaca Waqooyga Somaaliya gaar ahaan deegaanada hoostaga maamulka gaala raaca isku magacaabay Somaliland.
Halkan Ka Booqo Pag-ka Calamada Ee Telegram-ka.
Calamada.com