Allaah u naxriistee Ganacasade Ismaaciil Ciise Bootaan oo aad looga yaqaano gobolka Shabeellaha hoose ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxay diyaaradaha Maraykanka ku dileen duqeyn ay ka geysteen duleedka deegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ganacsadahan ayaa xarun ganacsi ku lahaa Kuunya barrow, wuxuuna ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano qeybo kamid ah Soomaaliya.
Nin la socday xilliga la duqeynayay Ismaaciil ayaa sheegay in labo gantaal lagu soo tuuray ganacsadaha, halkaasna uu ku dhintay.
Wuxuu sheegay inaanu ninkani ahayn xubin kamid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana ahaa qof ganacsade ah.
Dadweynaha Kuunya barrow ayaa iyagana mar ay la hadleen Al-Furqaan waxay sheegeen in Ismaaciil uu ahaa qof wanaagsan, af gaaban, islamarkaana gacan furan, ayna dishey gacan ka xaq daran oo ah Maraykanka.
Sanadihii lasoo dhaafay, diyaaradaha Maraykanka ayaa si aan loo meel dayin waxay u beegsanayaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta, waxaana mar weliba oo ay shacab dilaan sheegtaan iney dileen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.
Halkan ka dhagayso Goobjooge iyo Dadweyne ka hadlay Ganacsadahah lagu dilay Kuunya barrow.