Diyaarad Hellecopter ah oo ay saarnaayeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Sirdoonka xukuumadda Kaabul ayaa lagu soo riday wadanka Afqaanistaan, kadib markii ay beegsadeen dagaalyahanno katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Ciidamada Saliibiyiinta Maraykanka ayaa xilligaas doonayay iney weerar habeen dheelmad ah ku qaadaan deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada Imaarada islaamiga oo ku yaala gobolka Lowjar.
Ka hor inta aaney diyaaradda degin ayaa waxaa ka war heley ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo beegsaday diyaaradda, halkaas ayayna kusoo dhacday.
War kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu caddeeyay in diyaaradda ay Mujaahidiintu soo rideen lagu dilay 54 askari oo isuga jira Maraykan iyo kuwa xukuumadda Kaabul.
Askarta Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan waxaa ku socda dhiig bax xoogan, Iyadoo Saddex-dii Bilood ee u dambeysay weeraro kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan lagu dilay (85) Siddeetan iyo Shan askri oo American ah.