Ciidamo American ah oo dhowaan lagu dilay wadanka Afghanistan ayaa meydadkooda loo dhoofiyay gudaha wadanka Mareykanka.
Diyaarad melleteri oo kasoo amba baxday garoon melleteri oo kuyaal duleedka magaalada Kabul ayaa caga dhigatay saldhig melleteri oo ciidamadoodu ku leeyihiin duleedka Washington.
Meydadka Askarta Mareykanka oo naxashyo kujiray waxaa baroor diiq kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Mareykanka waxaana kamid ahaa Donald Trump iyo wasiirkiisa difaaca.
Trump oo hadal kooban ka dul jeediyay Meydadka askarta Mareykanka intii aan la aasin ayaa sheegay in uu ka murugeysanyahay dhibaatada gaartay askartiisa.
Meydadka ciidamada Mareykanka ee lageeyay Washington ayaa lagu dilay diyaarad melleteri oo dagaalyahannada Imaarada Islaamiga ah kusoo rideen gobolka Loger ee dhaca bartamaha Afghanistan.
Askartan ladilay ayaa qeyb ka ahaa ciidamo weerar habeen dheelmad ah ku qaadi lahaa degmo ay gacanta ku hayaan ciidamada Imaarada islaamiga ah balse weerarkaas ayaa isku bedelay halaag gaaray xulufada cadowga ah.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war kooban oo ay kasoo saartay qaabilaadda Trump ee meydadka ciidamadiisa waxay ku tiri sidan “Trump waa in ciidamadiisa uu dalka kala baxo uuna soo gaba gabeeyo gummeysiga arxanka daran ee Afghanistan uu ka wado haddii kale waa in uu u diyaar garoobaa soo dhoweynta meydad dheeraad ah oo naxash lagu wado”.