Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaaladan Muqdisho.
Maleeshiyaatka Dowladda Ridada ayaa si bareer ah u dilay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.
Xasan Cali Bacdale ayeey maleeshiyaat ka tirsan Kooxda Ridada oo la socday gaari Cabdi bile ah si bareer ah rasaas ugu fureen xilli uu ku xamaalanayay Moota bajaajtiisa.
Maleeshiyaatka Ridada ee dilkan geystay ayaa socodkooda iska sii watay, Waxaa meydka wiilka shacabka ah goobta ka qaaday bulshadii goobta ka agdhaweed.
Maleeshiyaatka maamulka Farmaajo iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay dilalka bareerka ah ee ay kula dhaqaaqayaan shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.