Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Faransiiska kasoo gaaray dagaalka ka holcaya wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu xaqiijiyay in 13 askari ay uga dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga wadanka Maali oo duullaan ay ku joogaan kumanaan askar Faransiis ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Emmanuel Macron madaxweyna Faransiiska ayaa lagu yiri “Madaxweynuhu wuxuu si murugo xeeldheer leh u iclaaminayaa in wadanka Maali lagu dilay 13 askari Faransiis ah galabkii Axadda oo taariikhdu ku beegneed 25 Novemver kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ay ku guda jireen muhiim dagaal oo ka dhan ah Jihaadiyiinta”.
Dhimashada ciidamadan ayaa ah khasaarihii ugu xooganaa ee mar qura soo gaarta Melleteri Faransiiska tan markii uu duullaanka ku qaaday wadanka Maali sanaddii 2013, Wariyaal ku sugan Maali ayaa sheegay in laba diyaaradood ay soo dhaceen xilli ay weerar ku ahaayeen xoogaga Al Qaacidda balse lama oga in lasoo riday iyo inkale.