Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Haweenka Kenya Oo Intooda Badan Caruurtooda Ku Dilay Coca-Cola.
  • Allposts
  • Warar

Haweenka Kenya Oo Intooda Badan Caruurtooda Ku Dilay Coca-Cola.

December 2, 2019

Wargeys ka soo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin muujineysa sida hooyooyinka Kenya ay carruurtooda ugu dilaan Coca-Cola si ay nolosha u dhaafiyaan, sida lagu sheegay warbixin xuquuqda Aadanaha ah.

Hooyooyinkani waxay ku quudiyaan dhallaanka Coca-Cola ama biirka caleenta ah iyo cabitaanno kale oo jilicsan halkii ay caano siin lahaayeen, sababtoo ah ma doonayaan inay qaadaan mas’uuliyadda barbaarintooda, ayaa lagu yiri warbintan oo la diyaariyay todobaadkii lasoo dhaafay.

Vincent Odhiambo, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa yidhi: “Haweenka qaar ma awoodaan inay qoys yeeshaan, oo waxay caan ka noqotay bulshada dhexdeeda in ilmaha la siiyo Coca-Cola taasoo keentay in ilmuhu ku dhintaan sadax maalmood gudahood. Tiro aad u badan oo dhallaanka ah ayaa xogta lagu hayaa inay ku dhintaan qashin-qubka ama wabiyada oo ay si joogto ah uga helaan goob-joogeyaasha iyo shaqaalaha.

Tirakoobka wali muu bixin qiyaasta tirada dilalka caruurta ee ku sugan bariga qaarada Afrika. Hase ahaatee Wilson Chiptu, oo ah qashin-qaade, wuxuu ka helaa qiyaastii 15 caruur ah oo dhintay sanadkasta qashin qubka halkaas oo uu ka wato meheraddiisa. Sida ku xusan warqadda, muddo hal toddobaad gudii ah bishii May, maydadka siddeed carruur ah ayaa lagala baxay biyihii qashinka ka buuxsamay ee Nairobi.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in haweenku ay iska soo tuuraan caruurta taasoo ah sababaha ugu badan ee keena dhimashada hooyada iyo dhalashada Kenya.

Ilmo soo rididda ayaa waliba khatar ku ah haweenka, sida lagu sheegay warbixinta, iyada oo toddobo haween ah ay dhintaan maalin kasta, sida laga soo xigtay Mary Stopes International, oo ah hay’ad samafal caafimaad oo dhanka haweenka ah. Illaa 350,000 oo haween Kenyan ah ayaa khatar ugu jira sannad kasta soo rididda ilmaha, iyadoo 21,000 oo haween ah loo dhigo isbitaal sannad walba taas darteed.

Shirkadda Coca-Cola, ayaa dhankeeda si dadban u qirtay in cabitaankeeda uu awood u leeyahay inuu dilo caruruurta, taasoo ku tuseysa inuu halis weyn galinayo caafimaadka ama nolosha dadka waaweyn. Afahayeen u hadlay Coca-Cola ayaa yidhi: “Warbixinadii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhimashada dhallaanka cusub ee Kenya waa walwal badan,” Waan ognahay in cabitaannada fudud ay nabdoon yihiin ayna ka heli karaan dad badan oo adduunka ah. ” Si kastaba ha noqotee, waxaa si buuxda loogu oggolaaday in caanuhu ay yihiin waxa dhallaanka u baahan oo dhan. ”

Cabitaanka Coca-Cola, ayaa waxaa aad loogu iibiyaa Soomaaliya iyadoo dadku ka cabaan maqaayadaha, meelaha macmacaanada iyo munaasabadaha.

Sawiradaan foosha xun ee lagula dhaqmayo dhallaanka iyo uurjiifku waxay ka turjumayaan sida foosha xun ee kala qaybsanaanta bulshada ee Kenya, iyo sidoo kale mabaadii’ la”aanta dadkaas.

Gunaanadka warbixinta xuquuqul insaanka ayaa xaqiijinaya burburka nidaamka anshaxa ee Kenya inuu aad usii batay, kaas oo kordhinaya dambiyada, rabshadaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Dadka Kenya ayaa waxaa ku socda dabar go’ badan waxaana maalin walba muwaadiniintooda ka dhintaahi ay laba jibaar ka badan yihiin kuwa ku dhinta Soomaaliya oo ay shisheeye badan kusoo duuleen dagaalana ka socdaa.

Isku soo wada duuboo Kenya oo ay xaaladdeedu sidaa tahay ayaa dhawaan baahisay warbixin ka badbadis ah oo ay kor ugu qaadeyso muwaadiniinteeda kuna yareeneyso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NFD.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso: Idaacadda Andalus oo Warbixin ka diyaarisay Bahdilkii Uu Sheekh Umal Kala Kulmay Muqdisho.
Next: Weerar Gaadiid Badan Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Saldhiga Bagram.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.

August 14, 2025
Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.

August 14, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.

August 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada