Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah u dhigay askar katirsan ciidamada maamulka Jubbaland, xilli ay ku socdaalaayeen deegaanno u dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Xogta la helayo ayaa xaqiijineysa in kamiin culus ay ku dhaceen maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka Ashahaado la dirirka Jubbaland oo kasoo baxay Baarka, xilli ay marayeen deegaanka Sanguuni.
Warar horudhac ah oo laga helayo khasaaraha gaaray ciidamada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa xaqiijinaya dhimashada kudhawaad 10 askari, iyo dhaawaca tira kale.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarka u adeegsaday garneellada garbaha laga tuuro, waxaana taasi sii kordhisay khasaaraha gaaray askarta Jubbaland.
Dagaalyahannada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si firfircoon uga howlgala deegaannada kaabiga ku haya magaalada Kismaayo, waxaana inta badan ka dhaca howlgallo lagu beegsanayo ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa Maraykanka iyo askarta daacadda u ah.