Wrarka ka imanaanaya degmada Dhoobley oo gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen degaan hoos taga degmadaas saacadihii lasoo dhaafay.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay dagaal la’aan la wareegeen degaanka oo lagu magacaabo Dag-allamo oo xiga dhanka xuduud beenaadka kadib markii ay carareen ciidanka Jubbalan ee halkaasi ku sugnaa kuwaasoo ay soo tababaratay dowladda Kenya.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degaanka gaar ahaan xarumihii ay degganaayeen askarta Jubbaland oo ay ka sameeyeen baaritaano. Inta badan ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa ka carara askarta Al-Shabaab, taasoo keenta in lagala wareego saldhigyadooda lagana furto hub iyo agabyo kale.
Dhawaab waxay Al-Shabaab la wareegeen degaan ka tirsan Gaarisa oo la yiraahdo Dhicise, kadib markii ay carareen ciidankii Kenya ee ku sugnaa, waxaana Mujaahidiinta u suura gashay iney qabsadaan degaanka islamarkaana ay burburiyaan saldhiggii ciidanka, sidoo kalana gubaan shirkadda Safaricom.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay gaari bas ah oo marayay Wajeer kala dageen ugu yaraan 10 Kiristan Kenyan ah islamarkaana ay dhagta dhiigga u dareen. Kenya oo muddo tobannaan sano ah gumeysanaysa dad Soomaaliyeed oo aad u badan islamarkaana heysata dhulka Soomaalida ee NFD ayaa tan iyo 2011kii sii laba jibaartay dhibaatadeedii kadib markii ay kasoo tallowday xuduud beenaadka islamarkaana ay ciidamadeedu qabsadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.