Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo iyo fariisimo Shisheeyaha iyo maleshiyaatka Kabo qaadka u ah ay ka sameysteen deegaano kala duwan oo dhaca Konfurta dalka Somalia.
Dagaalka hore waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka dowladda Ridada ay ka sameysteen deegaanka Ceel-saliini ee duleedka magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Deegaankaasi waxaa ka dhacay dagaal culus oo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka kooxda Farmaajo.
Dhanka Wilaayada Baay iyo Bakool waxey ciidamada Mujaahidiinta qarax culus la beegsadeen askar ka tirsan Xabashida Itoobiya kuwaasi oo ku Lugeynayay afafka hore ee degmada Qansadheere oo ka mid ah goobaha Cadowga Allaah duulaanka kaga suganyahay Wilaayadaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa lagu dilay Saddex askari oo Itoobiyaan ah waxaa lagu dhaawacay Labo askari oo isla Xabashida Itoobiya ah.
Isla Wilaayada Baay iyo Bakool waxey ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen isbaaro iyo saldhig maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed ay ka sameysteen Tuulada Hawiin oo hoostagta magaalada Baydhabo.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka kadib markii Murtadiinta cagaha wax ka dayeen, Waxaa dagaalkan ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada Konfur Galbeed.
Dhanka Wilaayada Jubbooyinka waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaanka Qooqaani, Waxaa jirta khasaara naf iyo maal ah oo askarta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Calamada.com