Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari taasi oo ka mid ah dhulka uu ka arimiyo maamulka gaala raaca isku magacaabay Puntland.
Qaraxan oo ka dhacay gudaha Dekedda magaalada Boosaso waxaa lala beegsaday ciidamo katirsanaa kuwa maamulka Ridada Puntland.
Ugu yaraan Labo askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay dekadda weyn ee magaalada Boosaaso kuwaasi oo la xaqiijiyay iney xaaladooda liidato maadaama uu dhaawacyo culus uu soo gaaray.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ay ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Ridada Federaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta ee howlgalkan fuliyay ayaa sidoo kale horay usii ganiimeystay qorigii uu ku hubeysnaa askariga ay ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha.
Calamada.com