Wararka ka imaanaya magaalada Motta ee gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in kooxo Xagjirayaal Nasaara ah ay gubeen Afar Masjid kuwaasi uu ku jira masjidka ugu weyn ee Muslimiintu ku leeyihiin gobolkaas, Sidoo kale Gaalada Itoobiya waxey gubeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen dadka Muslimiinta.
Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay dab xooggan oo ka kacaya Masaajida iyo goobo ganacsi ee muslimiinta ay ku leeyihiin gobolka Amhara.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in gabi ahaanba uu masjidku gubtay waxaa sidoo kale dab laqabadsiiyay Maraakiz iyo goobo ganacsi oo muslimiintu leeyihiin.
Dhacadadan waxay imaanaysaa xilli dadka Nasaarada Itoobiyaanka ah ay isku diyaarinayaan in ay udbaal degaan waxa loogu yeero maalinta Kirismiska, sanaddii lasoo dhaafay ayay isku dhacyo u dhaxeeya muslimiinta iyo kirishtaanka ka dhaceen isla gobolka Amhara.
Dalka Itoobiya waxaa ka taagan xiisad adag oo ka dhex taagan Muslimiinta iyo gaalada ku wada nool dalkaasi, Iyadoo dowladda Xabashida Itoobiya ay ka mid tahay dowladaha Caalamka sida xun ula dagaalama dadka Muslimiinta.